Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay ujeedka heshiiska ay kala saxiixdeen Somalia iyo Sacuudiga? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
401516132_731894638978985_25121031452618

Riyaad (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa heshiis cusub gelinkii dambe ee Axaddii ku kala saxiixday magaalada Rayaad ee caasimada Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Heshiiskan ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay wasiirka arrimaha, Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo haatan ku sugan caasimada Riyaad, sida ay xaqiijisay wasaaraddu.

“Dalkeenna (Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya) iyo Boqortooyada Sucuudigu waxaan  Heshiis Iskaashi Amni ku kala saxiixannay magaalada Riyaad” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu faahfaahiyay heshiiskan, ayada oo lagu sheegay inuu ku saabsan yahay iskaashiga amniga labada waddan, si sare loogu qaado.

Waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya sheegtay in heshiiskan uu wax weyn ka tarayo dhanka iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

“Heshiiskan Iskaashiga Amniga waxaa labada dal u kala saxiixay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sucuudiga. Heshiiskani wuxuu muhiimad weyn u leeyahay wax weynna ka tarayaa iskaashiga amni ee labada dal” ayaa la raaciyay.

Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, isla-markaana xilligan taageero kala duwan siisa dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, heshiiskan amniga ku saabsan ayaa kusoo aaday, xilli ay haatan dowladda dhexe ay dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab, si looga saaro dalka oo dhan.

400743167_731894685645647_45658725701602 400802204_731894555645660_59686534013693 401088438_731894575645658_39362503629398 401516132_731894638978985_25121031452618

The post Muxuu yahay ujeedka heshiiska ay kala saxiixdeen Somalia iyo Sacuudiga? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this