Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland oo la Shirtay Shirkadaha Dhismaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Somaliland oo la Shirtay Shirkadaha Dhismaha
IMG-20231112-WA0004.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradaha Arrimaha Gudaha JSL, Wasaarada Ganacsiga, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa kulan la qaatay Shirkada Dhismayaasha Dalka

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa shir gudoomiyey shir ay wada yeesheen Xukuumadda iyo Shirkadaha waaweyn ee dhismaha (Construction Companies), shirkan ayaa ku saabsanaa amniga iyo wada shaqaynta Xukuumadda iyo Shirkadaha Dhismayaasha Dalka
Kulankan waxaa ka soo qayb galay oo Wasiirka Arrimaha Gudaha ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad Saajin), Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cali Xoor Xoor, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdinaasir Cumar Jaamac, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex, Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka, Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska iyo Taliye Ku xigeenka Ciidanka Socdaalka.

Dhinaca kale waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta shirkadaha Dhismayaasha.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this