Deeq A. Posted November 12, 2023 Guddoomiye Xirsi oo si Diiran loogu soo Dhaweeyay Bristol Bristol(Qaran news)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo socdaal ku jooga Ingiriiska ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Bristol oo taageereyaasha xisbigaasi ku soo dhaweeyeen. Guddoomiyuhu wuxuu u mahadceliyay waxgaradka ku soo dhaweeyay Bristol, wuxuuna sheegay in dadka reer Somaliland gudo iyo dibadba ay ku kala jiraan axsaabta kala duwan, hase ahaatee waxa ka dhexeeyaa uu yahay Qarannimada oo la wada leeyahay. Guddoomiye Xirsi wuxuu sheegay in Sonaliland ay Soomaalida dheerayd, waxna ku noqotay nabadgelyada waxaanu ku dooday in nabadgelyo lagu wajaho xaaladda colaadeed ee ka taagan bariga Somaliland. Sidoo kale xubno ku hadlayey magaca taageereyaasha WADDANI iyo jaaliyadda Somaliland waxaanay sheegeen in martiqaadka Bristol iyaga ka yimid oo ay dooneen inay isa sii arkaan Guddoomiyaha ka hor inta aanu u ambo-bixin Somaliland. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites