Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti oo ku guulaysatay in hawada sare ay u dirto Dayax Gacmeed

Recommended Posts

Deeq A.   
400735207_830335745766365_44557930295692

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horaysay hawada sare u dirtay Dayax Gacmeed, sida uu xaqiijiyey Wasiirka Waxbarashadda iyo Cilmi baarista Nabiil Maxamed Axmed.

Wasiirka oo ka hadlay tijaabadan ayaa waxa uu yiri ” wax aan aad ugu faraxsanahay Tijaabadda Dayax gacameedka loo yaqaan Jabuuti-1A.”

Tijaabadan ayaa waxa iska kaashaday Machad ku yaal dalka Faransiiska iyo Arday Reer Jabuuti ah.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hore u ballan-qaaday in dowladda Jabuuti oo ka faa’iidaysanaysa dhaqaalaheeda iyo khuburadeeda ay tijaabin doonto dayax gacmeedkii ugu horreeyey.

Dayax-gacmeedkan oo lagu magacaabo “Djibouti-1A” ayaa soo uruurinaya xogaha iyo macluumaadka cimilada iyo isbeddelada dunida, waxa kale uu gacan ka gaysanaya cilmi-baarista.

Horraantii sanadkaan goobjoog ka noqday heshiis muhiim ah oo dowladdiisa la gashay koox qaabilsan teknooloojiyadda hawada sare oo ka socota Hong Kong.

Heshiiskaas ayaa sidoo kale ku saabsan horumarinta qalabka iyo gantaallada dayax gacmeedka laga rido, xili Jabuuti ay ku howlan tahay sameynta xarun lag diro dayax-gacmeedka.

Mashruucaas dayax-gacmeedka Jabuuti ayaa waxaa xilligaas la shaaciyay inay ku bixi doonto Hal bilyan oo dollar, isagoo qaadan doona muddo shan sano ah, sida ay ku warameyso wakaalada wararka ee Jabuuti.

Si kastaba, Dowladda Jabuuti ayaa noqon doonta dowladdii ugu horreysay ee Afrikan ah oo sameysata dayax-gacmeed, waxaana lagu wadaa in ay jiri doonaan dowlado kale oo ku daysan doona dowladda uu hogaamiyo Geelle.

Jabuuti ayaa sanadihii dambe ku tallaabsaneysay horumaro kala duwan oo uu ku hagayay madaxweyne Geelle, inkasta oo xukunkiisa lagu eedeeyo in uu ku kaco falal ka dhan ah xoriyatul qowlka.

398553652_896450845373885_15007538075920 398580320_896450842040552_88296953814064 400735207_830335745766365_44557930295692

The post Jabuuti oo ku guulaysatay in hawada sare ay u dirto Dayax Gacmeed appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this