Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney laba gabdhood ku dishay duleedka Muqdisho oo lasoo qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   
401136555_315675184574645_41503949639708

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday gudaha deegaanka Gubadley ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii haweeney ku hubeysan mindi ay laba gabdhood ku dishay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in falkan uu xalay si gaar ah uga dhacay xaafadda Buur Bishaaro ee deegaanka Gubadley, waxaana haweeneyda dilka gaysatay iyo labada gabdhood ee geeriyooday ay ahaayeen daris, waxayna wada daganaayeen gur ku yaalla Gubadley.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muran ka dhashay carruur is dagaashay uu soo kala dhex-galay haweeneyda iyo labada gabadhood, kadibna ay eedeysanaha soo qaadatay toorey, sidaasna ay ku dishay labada hablood.

Eedeysanaha ayaa waxaa magaceebda lagu sheegay Anbiyo Maxamed Cali, halka labada gabar ee ay dishay lagu kala sheegay Nimco Saalax iyo Iqro Daahir oo ahaa gabar iyo dumaashideed.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee deegaanka Gubadley oo goobta tegay ayaa howlgal ay sameeyeen waxay gacanta kusoo dhigeen haweeneydii ka dambeysay falkaasi oo markii hore isku deyday inay goobta ka baxsato, waxaana la geeyay xarunta hay’adda C.I.D-da.

Sidoo kale waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, ayada oo booliska Soomaaliya uu sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono calaadadda.

“Waxaa haweeneyda eedeysanaha ku socoto baaris waxaana la hor geyn doonaa cadaalada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska ee gobolka Banaadir.

Si kastaba, dhacdadan ayaa argagax weyn ku reebtay dadka deegaanka, ayada oo sidoo kale, si aad ah looga hadal haayo baraha bulshada ee Internet-ka.

The post Haweeney laba gabdhood ku dishay duleedka Muqdisho oo lasoo qabtay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this