Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho oo gaartay marxaladdii la furi lahaa wadooyinka xiran

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho-3.jpg?fit=1283%2C713&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho 40% caasimada way xiran tahay. Daruufaha amniga ayaa dhaliyay in jidad badan la xidho.

Qaar waxay u xiran yihiin wasaaraddo, kuwana ajnabiga jooga Soomaaliya, waxa kale oo jir qaar u xiran shaqsiyaad xilal ka haya dowladda ama ka hayn jiray.

Tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud amniga caasimadda ayaa si weyn isku beddelay. Muddo sanad ku dhow laamaha amniga ee dowladda waxay ku guuleysteen in caasimada soo gelin gaari qarax sida.

Waxa kale oo hoos u dhacday toogashadii argagixisada ka fulin jirtay caasimada, maadaama ay meel walba taagan yihiin ciidan nabadsugid ah.

Waxaa kale oo isbeddelay hab baaristii gaadiidka, waxaana magaalada lagu soo daadiyay ciidan ka nidaamsan kuwii hore xagga la dhaqanka dadweynaha.

Iyada oo uu jiro horumarkaas ballaaran ee dhanka xagga amniga ah, ayaa waxaa dhinaca kale magaalada Muqdisho ka taagan cariiri xagga isku socodka ah. Sababaha cariiriga keenay waa qeyb ka ah waddooyinka oo xiran.

Xilliyada ay roobka da’aan ayaa sidoo si weyn loo dareema baahida waddooyinka caasimada. Magaalo ay afar milyan oo qof ku nooshahay oo haddana 40% xiran waa culeys aan indhaha laga qarsan karin.

Dadweynaha waxay waayihii tegay ku celcelinayeen in maadaama ammaankii soo hagaagay in waddooyinka xiran xal loo helo.

Dadka ka faalloonaya amniga caasimada qaarkood waxay qabaan in aan weli la gaarin in waddooyinka la wada furo, laakiin waxay sheegayaan in la awooddo in waddooyinka muhiimka ah qaarkood la furo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo waayahan dambe si weyn iskula haystaan shacabka Soomaaliyeed, ayaa soo hadal qaaday baaqa dadweynaha ee ah in la furo waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho iyo sidoo kale in dowladda wax ka qabato goobaha biyo fariisinka ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho oo xilliyada roobka sababa inay magaalada kala xiranto.

“Reer Muqdisho farriintiina wey na soo gaartay, laba farriimood oo muhiim ah oo dadka reer Muqdisho soo dirayaan ayaa jirta, mid waa in biyahaas wax laga qabto iyo daadadka mar walba ku soo rogmada, oo dhex fariista oo dadka dhibaateeya taas in wax laga qabto waa qodob. Qoddobka labaad waxaa waaye in amnigii magaalada fiicnaaday in dhagaxaanta la qaado,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Xamza ayaa faray guddoomiyaha gobolka Banaadir in sida ugu dhaqsaha badan uu wax uga qabto cabashooyinka kasoo yeeraya shacabka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, “Waxaa la idinka rabaa in habkii saxda ahaa ee biyuhu mari jireen la raadiyo oo magaalada laga saaro biyaha.”

“Reer Muqdisho waxaa looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga. Waxaa rabnaa in ay isbeddesho caasimada oo mardambe waxbaa is qarxiyay iyo argagixiso meel kaga jirta in la waayo ayaa rabnaa

The post Muqdisho oo gaartay marxaladdii la furi lahaa wadooyinka xiran appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this