Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xamza oo sheegay inuu ogaaday halka Soomaalida ay ‘cuqubadu ka heysato’

Recommended Posts

Deeq A.   
348847609_612763084124226_44269487095581

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan ku sii jiri karin xaaladaan uu ku tilmaamay “ceebta” isagoo sababeeyey waxa kalifay in Soomaalidu ceebowdo.

Wuxuu sheegay in dalkaan uu yahay qani balse dadka Soomaaliyeed uu heysto faqri ay ayagu sabab u yihiin, “waxaan nahay dal ceebeeye yaal, anaga waxaa naga fiican dalkeena, waa inaan xaaladaan ka baxno,” ayuu yiri.

R/Wasaare Xamza wuxuu intaas ku sii daray in dadka Soomaaliyeed ay ku jiraan imtixaan aan dhamaad laheyn, “dalkeena oo qani ah ayaa waxaa nagu dhaceysa musiibo kasta, waxaana nalooga dhigayaa imtixaan si aan qaladkeena aan u saxno, balse ma saxno, waa inaan towbad keeno dhamaanteen,” ayuu yiri.

Xatooyo, xishood la’aan, musuq maasuq iyo wax kasta oo xun ayuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku dhaqmaan, sida qabyaalad, tuugnimo, 4.5 “mushkiladaha na heysta wax la tiri karo maaha,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Wuxuu sheegay in tan ugu daran ay tahay eexda, taas oo ka soo bilaabata guri kasta oo Soomaaliyeed, isagoo tusaale u soo qaatay sida dadka Soomaaliyeed ay ugu dhaqmaan qabiilka iyo nidaamka 4.5.

“Qofka Soomaaliga ah ee maanta jooga hadii uusan wasiir, Janan ama xildhibaan laheyn wuxuu aaminsan yahay in shaqo kasta ee uu doonto uusan heli karin, idinkuba waa ogtihiin, waa adag tahay inuu shaqo helo qofkaas,” ayuu yiri Xamsa Barre.

R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa cadeeyey in hadda ay dagaal ugu jiraan sidii qof kasta oo Soomaali ah uu shahaado ugu heli lahaa shaqada uu u qalmo, iyadoo meesha laga saarayo nidaamka qabaliga ah ee 4.5.

“Waa inaan soo gabagabeyno 4.5 waa meesha ay nooga soo dhacday dowlad xumada, habaarka iyo dhibaatada ugu weyn, xalkeeda ayaana ku mashquulsanahay,” ayuu yiri ra’iisul
wasaare Xamse Cabdi Barre.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Xamza oo sheegay inuu ogaaday halka Soomaalida ay ‘cuqubadu ka heysato’ appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this