Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo go’doomisay Dhawr isbitaal oo ku yaalla Marinka Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   
shifa-3-860x575-1.png?resize=860%2C575&s

Dhawr isbitaal oo ku yaal magaalada Gaza iyo waqooyiga Gaza ayaa si toos ah loo garaacay,iyadoo Hey’adda WHO ay sheegtay inay lumisay xiriirkii ay la lahayd gudaha al-Shifa, oo ah isbitaalka ugu weyn Gaza.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay jirto cabsi soo wajahday boqolaal bukaan ah oo ay ku jiraan 37 haween ah oo uur leh ,kuna jira  cisbitaalka al-Shifa, iyadoo korontadu ay gabaabsi ku tahay isbitaallo badan.

Israa’iil ayaa xoojisay weerarrada isbitaallada, waxaana dhowr isbitaal ay lumiyeen xiriirkii sida ay sheegeen Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

Bannaanbaxyo waaweyn oo lagu baaqayo xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda Qaza ayaa lagu qabtay magaalooyinka adduunka, oo ay ku jiraan New York, London, Paris, Baghdad, Karachi, Berlin iyo Edinburgh.

Ugu yaraan 11,078 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7 Oktoobar.

PUNTLAND POST

The post Israa’iil oo go’doomisay Dhawr isbitaal oo ku yaalla Marinka Gaza appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this