Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Israa’iil oo hareereyay cisbitaalka Al Shifa ee ku yaalla GAZA

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa weerar xoogan ku socdaa cisbitaalka Al Shifa oo ay hareereyeen ciidammada Israa’iil.

Al Shifa oo ah cisbitaalka ugu weyn ee Gaza ayaa waxaa yaalla kumanaan dhaawac ah, waxaana ku sugan barakayaal gaadhaya 15.000.

Korontadii iyo Internetka cisbitaalka oo maalmihii lasoo dhaafay ku shaqeenayey Matoorada ayaa go’ay.

Dhakhaatiirta cisbitaalka oo telefonka kula hadlay warbaahinta ayaa codsaday in laga soo gaadho.

Dhamaan xarunta qaliinka, gargaarka deg deg ah ayaa gebi ahaan heysan wax koronto ah.

Meydadka ayaa la sheegay in ay buux dhaafiyeen cisbitaalka iyadoo ayna jirin meel lagu hayo.

Askarta Israa’iil oo jaray dhammaan waddooyinka taga Al Shifa ayaa tooganaya qof walba oo kasoo baxa cisbitaalka.

Diyaaradaha Drone-ka ee Israa’iil oo jawi hoose ku socda ayaa sidoo kale toogtay dad ku jira gudaha cisbitaalka oo ay kamid yihiin shaqaalaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this