Sign in to follow this  
Deeq A.

“Tobankii daqiiqaba, ilma yar ayaa ku dhinta marinka Gaza..” Madaxa WHO oo warbixin naxdin leh soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa ku eedeeyay ciidammada Israa’iil in ay weerareen oo rasaas ku rideen afar cisbitaal oo ku yaalla Marinka Gaza 24 saacadood gudahood.

Madaxa ururka Caafimaadka WHO ayaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay u sheegay in nidaamkii caafimaadka ee Gaza uu gabi ahaan ku dhow yahay in uu joogsado, isagoo sheegay in ilma yar lagu dilo Gaza 10 daqiiqaba.

Ciidamada Israa’iil ayaa Jimcihii beeniyay in ay rasaas ku fureen cisbitaalka Al-Shifa, waxayna Xamaas ku eedeeyeen in ay rideen gantaal lala beegsaday ciidamada Israa’iil oo ay ka soo gantay cisbitaalka

Raysal Wasaaraha Israa’iil ayaa si cad u sheegay in aysan daneyneyn xabad joojin laga hirgeliyo Qaza, isagoo ku andacooday in ciidamadiisa ay howlo wanaagsan ka wadaan marinka Qaza.

Cisbitaallada waxaa buux-dhaafiyey dhaawacyo dadka reer Falastiin ah oo u badan carruur, hadana waxaa lagu sii beegsanayaa oo ciidamada Yahuuda ay joogto u duqeeyaan cisbitaalada.

“Waxaan ugu baaqayaa golaha ammaanka anigoo ku hadlaya magaca shaqaalaha caafimaadka ee WHO in la badbaadiyo shaqaalaha caafimaadka ee ku howlan samatabixinta dhibanayaasha reer Falastiin,” ayuu yidhi Madaxa ururka Caafimaadka ee WHO.

Hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo Islaamka oo shir wadajir ah uu maanta uga furmay dalka Sacuudiga ayaa ka wada hadlay dagaalka Gaza, iyagoo ku baaqay in xabbad-joojin ah laga hirgaliyo Gasa.

Sidoo kale, waxa ay ku baaqeen in Israa’iil ay qaaddo go’doominta ay ku hayso Gaza, balse Israa’iil ayaa ka biyo diiday inay u hoggaansanto xabad-joojin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this