Deeq A. Posted November 12, 2023 Afgooye (Caasimada Online) – Warar ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in haatan xaalad adag ay ka taagan magaalada Afgooye ee gobolkaasi, kadib markii uu ku fatahay wabiga Shabelle ee dhex-mara gudaha degmadaasi. Wabiga ayaa saacadihii ugu dambeeyay ku fatahay xaafadaha ku yaalla hareeraha wabiga, sida Damaley, Aaytiro Siigaale iyo kuwa kale. Sidoo kale fatahaadan ayaa saameyn xoogleh ku yeelatay dhul beereed ku yaalla halkaasi, ayada oo baabi’isay dhammaan dalagii ku yiilahay halkaasi. Dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, waxaana xaafadaha qaar la’isaga kala gooshayaa doomo, sida ay muujiyaan muuqaallo ka imaanaya Afgooye. Hooyo kamid ah dadka deegaanka oo la hadashay Telefishinka Dalsan ayaa ka warbixisay xaaladda, waxayna sheegtay in biyaha ay soo galeen guryahooda. Guriyaheena waa kan biyihii ayaa noo soo galay gargaar aan u baahanahay oo deg-deg ah walaalaheena muslimiinta ah inay gacanta naga qabtaan” ayay hooyo kamid ah dadka deegaanka. Waxaa kale oo ay sii raacisay “Rafaad ayaan ku jirnaa ilmihii haddii aad ka tagtid walwal biya maa kaa qaadi doono, say noqon doonaan? suuq xitaa ma kaa aadi karno” Dhankiisa guddoomiyaha maamulka dgemada Afgooye Cabdullaahi Maxamed Cismaan ayaa ka hadlay fatahaadda ku dhufaray Afgooye, isaga oo shacabka ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan, isla-markaana hantidooda iyo naftooda ay badbaadsadaan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale farriin u diray dowladda dhexe, Koonfur Galbeed iyo hay’adaha Samafalka, isaga oo ugu baaqay inay gurmad lasoo gaaraan shacabka. “Fatahaadahan waa billow meelihii aan awal ka fileynay ma gaarsiisana illaa hadda laakiin xaaladaha waa iska taagan yihiin, dadka waxaan ugu baaqeynaa inay ka feejignaadaan” ayuu isna yiri guddoomiyaha maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay fahataado iyo roobab daadad wata oo ku dhuftay inta badan magaalooyinka waa weyn ee dalka. The post Daawo: Barakac xoogan oo ka billowday Afgooye appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites