Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay ujeedka shirka uu Muqdisho ka furay R/W Xamza? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
Xamza.jpg?fit=960%2C640&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta shir muhiim ka furay magaalada Muqdisho, kaas oo ah Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, isla markaana lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee kheyraadka badaheenna.

Xamza oo madasha ka hadlay ayaa ku dhiirigeliyey maalgashadeyaasha gudaha iyo dibadda in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dedaal ugu jirta soo jiidashada iyo dhiirigalinta maalgashiyo caalami ah, si kor loogu qaado wax soo saarka dalka, taas oo horseedi karta isku filnaansho dhaqaale oo waara.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaasi kusii daray in degenaansho la’aanta iyo colaaddaha ka jiray dalka ay horseedeen in laga faaiideysan waayo kheyraadka dalka.

Waxaa kale oo uu caddeeyey in Soomaaliya ay hadda diyaar u tahay in lala ganacsado oo lala faai’ideysto, xukuumadduna ay meelmarisay shuruucdii hagi lahayd maalgashiga dalka.

Shirka oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda F. Soomaaliya, Wasiirrada Kalluumeysiga Maamul goboleedyada, Safiirro iyo shirkado caalami ah oo daneeya kheyraadka badaha.

Si kastaba, Soomaaliya oo haatan qorshaynaysa in mardhow laga cafiyo deymaha lagu leeyahay ayaa isku diyaarineyso inay hesho maalgasho caalami ah, si ay uga faa’ideysato.

399500512_697131339182682_50861518783712 400660975_697131572515992_68251499949395 400676784_697131479182668_28204604882997 400698581_697131589182657_62990508094168 400709004_697131295849353_11111709680917 400740609_697130775849405_45717049767269 400747852_697130649182751_73531122227452 400858009_697130855849397_43654770388841 400945290_697130659182750_16200248304281

The post Muxuu yahay ujeedka shirka uu Muqdisho ka furay R/W Xamza? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this