Sign in to follow this  
Deeq A.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo la kulantay Mucaaridka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1699706614370.jpg?resize=720%2C54

Dallada ay ku nidaysan yihiin Mucaaridka Puntland ayaa maanta Garoowe ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay kooban oo ka soo baxay dallada ay ku midaysan yihiin Mucaaridka Puntland ayaa lagu sheegay in ay Kulan la qaateen wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms. Catriona Laing.

“Waxaan maantay magaalada Garowe annagoo ah Dalada Mucaaradka Puntland la qaadanay kulan iyo isxogwareysi wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ms Catriona Laing” ayaa lagu yiri Qoraalka Mucaaridka.

Waxay sidoo kale sheegeen in Kulanka looga hadlay sidii doorasho wadar-oggol ah oo nabdoon uga dhici lahayd Puntland “Waxaana ugu muhiimsanaa sidii loo heli lahaa doorasho wadar-ogol ah oo nabad uga dhacda Dowladda Puntland” ayuu sii raaciyay Qoraalka.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing ayaa sidoo kale la kulantay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ay kala hadashay sidii loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay oo nabdoon.

PUNTLAND POST

The post Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo la kulantay Mucaaridka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this