Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Guurtida oo Ansixiyay Ajandahooda Kalfadhiga 83aad oo ay ku jiro Xeerka Doorashooyinku

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Guurtida oo Ansixiyay Ajandahooda Kalfadhiga 83aad oo ay ku jiro Xeerka Doorashooyinku

Hargeysa(Qaran news)-Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta waxay cod gacan taag ah ku ansixiyeen Ajandaha Kalfadhiga 83 Aad Ee Ay Ku Shaqayn Doonaan inta ay ku gudo jiraan kalfadhiagan. Waxana ku jira kaabistii xeerka doorashooyinka.

Fadhigii Maanta ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir guddoominaayey Guddoomiyaha Golaha guurtida Md- Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Mudanayaasha Golahaasi waxay cod gacan taag ah ku meelmariyeen ajandahooda kalfadhiga 83aad,taasoo codaynta ka dib Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan uu si rasmi ah ugu dhawaaqey natiijada ku ansixiyeen ajandahoodaasi.

Waxa ogolaadey 45 Xildhibaan, waxaa Diidey afar Mudane, halka ay ka aamuseen laba xildhibaan ,Guddoomiyuhuna aanu codeyn.

Sidaasi ayey ku meelmariyeen mudanayashu ajandahoodaasi kalfadhiga 83aad oo ay ku howlgalayaan inta ay ku gudo jiraan kalfadhigan.

Dhankiisana, Guddoomiye ku xigeenka kowaad Ee Golahaasi Guurtida Somaliland Md- Siciid Jamac Cali ayaa Mudanayaasha Golahaas ka hor akhriyey qoddobo mudanayaashu wax ka baddel iyo kaabis ku sameeyeen oo ajandahooda ku jira,ka dib markii mudanayaashu dood ka yeesheen ajandahoodasai,waxaana ka mid ahaa wax ka qabashadda arrinta sicir bararka dalka ka taagan iyo sidii wax looga qaban lahaa Dadka soogalootiga tirada badan wadanka ku sugan.

Gabogabadii Guddoomiyaha Golahaas Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Mudanayaasha Golahaasi kula dardaarmey in fadhiyada Golahaasi leeyahay xildhibanadu ku dadaalaan sidii uga qeybqaadan lahaayeen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this