MoonLight1 Posted May 12, 2009 Mugadishu Talaado, 12May 2009 SMC Somaliweyn.com Meydka haweeney shaah ku iibisa inta u dhaxeysa Maalin Taajir iyo Baar Ubax oo inta la kufsaday kaddibna la dilay Aroornimadii hore ee saakay waxaa inta u dhaxeysa daarta Maalin Taajir iyo Isgoyska Baar Ubax lagu arkay meydka haweeney halkaasi lagu dilay taasi oo kastuumadeediina wejiga laga saaray, arrintaas oo aad ay ula yaabeen dadkii arkay saakay waaberigii. Haweeneydan oo ka mid ahayd haweenka shaaha ku iibiya daarta maalin taajir iyo Baar Ubax inta u dhaxeysa, ayaa sida muuqata la kufsaday kaddibna la dilay iyadoona dhacdadaasi ay aad ula yaabeen, iyadoona dadka qaarkood ay sheegeen in haweeneydaasi ay kufsadeen maleeshiyaadka mucaaradka ee fadhiya Baar Ubax, bacdamaa ay iyagu maamulaan halkaasi. Dadweyne is xilqaamay ayaa meesha ka qaaday meydka haweeneydaasi, iyagoona geeyay gurigii ay ka soo shaqo tagtay, hase yeeshee maamulka kooxo Islaamiyiin ah oo aagaasi ka taliya ayaa sheegay inay baadi goobayaan cida geysatay falkaaso foosha xun, iyagoona sheegay inay ku fulin doonaan shareecada Islaamka waxa ay ka qabto. Waa markii ugu horeysay tan iyo markii ay ciidamada Itoobiyaanka ahi ka baxeen magaalada Muqdisho oo fal noocaan ah uu ka dhaco Baar Ubax iyo agagaaraheeda, tiiyoo weli lala yaaban yahay in meelo ay ka taliyaan kooxaha Islaamiyiinta ahi lagu waxyeeleeyo Haweeney. Somaliweyn Media Center “SMC Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sherban Shabeel Posted May 12, 2009 --=====Rape in Muqdisho=====-- EST. 1991 Quote Share this post Link to post Share on other sites