Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalkii ugu horreeyay oo ballan-qaad u sameeyay reer Baydhaba + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
400235448_905989224425463_79785252955952

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka UK u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Nithavrianakis oo gaaray magaalada Baydhaba.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa looga hadlay xaaladda adag ee ka taagan maamulkaas, gaar ahaan daadadka ku dhuftay Baydhaba.

Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ahaa wasiirada qorshaynta, cadaaladda, gargaarka iyo howlaha guud, ayada oo la’isaga wareystay saameynta ka dhalatay fatahaadda.

Waxaa sidoo kale kulankan lagu soo qaaday diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee la filayo inuu dhawaan ka billowday Koonfur Galbeed.

Danjiraha dalka Ingiriiska ee Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa adkeeyay in socdaalkiisa Baydhaba uu la xiriiro sidii dowladdiisa ay kaalin ugu qaadan lahayd ugurmashada dadka uu saameynta ku yeelatay tatahaadda biyaha iyo sidii ay u taageeri lahayeen dadaalka maamulka Koonfur galbeed ee daadejinta adeegyada dowladda.

Uk ayaa kamid ah dowladaha reer Yurub ee taageerada siiya Soomaaliya, isla-markaana ka caawiyaan dhanka dhaqaalaha tababarada ciidamada iyo mashaarciida horumarineed.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha uu sida daran u saameeyeen daadadka ka dhashat roobabkii ka da’ay Muqdisho, waxaana ugu sii daray magaalada Baydhabo oo ay ka barakaceen qoysas badan, kadib markii ay ku rogmadeen biyo aad u fara badan.

400756535_905990024425383_67083012022826 400859599_905989647758754_65053584502363 Mike-UK.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 399878377_905990217758697_36118322127329 400235448_905989224425463_79785252955952 400328848_905990134425372_81086887004271 400740904_905989681092084_91020856881666

The post Dalkii ugu horreeyay oo ballan-qaad u sameeyay reer Baydhaba + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this