Sign in to follow this  
Deeq A.

Haaweeney Sarkaal Booliis ah oo Arrin ay Sameysay Ku Muteysatay Shahaado Sharaf Dowladeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Saacadihii ugu dambeeyay waxaa si weyn baraha bulshada u qabsatay sawirka haweeneey Sarkaal Booliis ah, taas oo nuujinaysay ilmo yar, kadib markii ay kula kulantay cunuga iyo hooyadiis xaalad adag, xilli ay ku gudo jirtay samatabixinta iyo gurmad loo fidinayay magaalo ay ku dhufteen duufaanno dalka Mexico.

Elizabeth Dionisio Ambrosio waa Sarkaalad 33 jir ah naf ahaanteeda waa hooyo leh labo carruur ah, waxayna baadi-goobtay ilmaha oynaya, xilliga samatabixintu ay socotay, Dadaal dheer ka dib, waxaa ay aragtay hooyo iyo ilmaheeda oo afar bilood jira oo caawin dalbanaya, iyadoo soo gaartay agtooda.
Hooyada ilmaha yar dhashay ayaa sarkaaladda u sheegtay in cunuggeeda uusan waxba cunin wax ka badan labo maalmood uuna la oynayo gaajo, waxaana ay intaas raacisay ineysan awoodin in ay nuujiso oo iyaduba ay baahi dareemayso, taas oo keentay in sarkaaladdu ay weydiiso in ay nuujiso cunuga yar.

Sarkaaladda ayaa sawirro laga soo qaaday iyadoo darbi fadhisa dibadeedna nuujinaysa ilmaha yar, taas oo keentay in bulshada ay siweyn ugu wadaagto baraha la isticmaalo oo falcelinno kale duwan la isku dhaafsanayay, tallaabada ay qaaday sarkaaladda booliiska ah ee ku jirtay samatabixinta dadka dhiban.

“Shaqodeeda shaqo ee muwaadiniinta iyo sare u qaadida magaca wasaaradda amniga muwaadiniinta ee Mexico, saaxiibkay Arizbeth Dionisio Ambrosio oo ka tirsan kooxda Zorros oo ilaalinayay nolosha ilmaha Acapulco, ayaa la dalacsiiyay,” barta bulshada ee X Isniintii” waxaa sidaas qoray wasiirka Caafimaadka.

Arizbeth Dionisio Ambrosio ayaa arrintaan waxaa ay ku muteysatay Shahaado sharaf kaga timid isku darka wasaaraha amniga iyo caafimaadka, taas oo lagu sheegay in ay qaaday tallaabo muwaadinno oo ay ku badbaadisay ilmaha yar iyo hooyadooda, kuwaas oo ay la kulantay xilligii ay ugu mudneyd.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this