Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1699691606196.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska Ufadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis iyo wafdi uu Hogaaminayey

Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Michael oo kulankooda ay ka qeybgaleen Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Cadaalada, Gargaarka iyo Howlaha guud ayaa laisaga Waraystay Saamaynta Fatahaadka Biyaha, Udiyaar Garowga Wajiga 2-aad ee Dagaalka, Xoojinta Wadashaqaynta iyo Hirgelinta Mashaariicda Loogu adeegayo Bulshada.

Safiirka Dowladda Ingiriiska ufadhiya Soomaaliya ayaa adkeeyey in Socdaalkiisa Magaalada Baydhabo ay tahay sidii Dowladda Ingiriiska ay kaalin ugu qaadan lahayd Ugur Mashada Dadka Saameynta ku yeeshay Fatahaadka Biyaha iyo sidii ay utaageeri lahayeen Dadaalka Dowladda Koonfur Galbeed ee Daadejinta Adeegyada Dowladda.

The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this