Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: MADAALE oo tallaabo qaaday kadib xaaladda soo wajahday Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
400746998_807950964704845_11352953130895

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay qaaday tallaabo deg-deg ah oo uu maamulkiisa uga jawaabayo xaalad soo wajahday Muqdisho oo ay ku dhufteen roobab daadad xoogan wata.

Madaale ayaa xalay kormeer ku tagay goobaha ay biyaha dhigeen roobabkii ka da’ay Muqdisho, isaga oona warbixin ka dhageystay Guddiga maareynta iyo xal u helida saameynta uu reebay roobabkaasi.

Xubnaha guddiga ayaa warbixintooda ku sheegay in inta badan goobihii ay biyaha dhigeen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay caasimada la maareeyay, goobaha harsanna la maareyn doonno waqtiyada soo socda.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in ay socdaan shaqooyinka dib-usoo celinta bilicda iyo nadaafada magaalada caasimada ah ee  Muqdisho.

Dhankiisa guddoomiyaha gobolka oo ka hadlay arrintan  ayaa faray guddiga in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu shaqeeyo goobaha ay biyaha dhigeen roobabka daadadka watay ee ka da’ay magaalada Muqdisho, sidoo kalena dib loosoo celiyo bilicda Caasimadd.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale guddiga heer gobol ugu baaqay in loo diyaar garoobo xaalad kasta oo soo kordhi karta, taasi oo ku saabsan saadaasha laga bixinayo roobabka daadadka wata ee El-Nino oo weli kusoo wajahan qeybo ka mid ah gudaha dalka.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay fatahaado iyo roobab daadad wata oo ka da’ay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Xaaladdan ayaa sababtay, dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac ay sameeyeen boqolaal kun oo qoys oo ay saameeyeen roobabkii ugu dambeeyay ee ka da’ay gudaha dalka.

400750546_807951204704821_60023096354657 400755956_807951111371497_81846382938722 400861607_807951168038158_34075370274841 400188917_807951218038153_38542580607444 400253266_807950984704843_75577223836072 400294459_807951151371493_32379683933552 400746998_807950964704845_11352953130895

The post Sawirro: MADAALE oo tallaabo qaaday kadib xaaladda soo wajahday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this