Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Farriintii reer Muqdisho oo gaartay R/W Xamza + Jawaabta

Recommended Posts

Deeq A.   
Xamza-2.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa sheegay inay soo gaartay farriin uga timid shacabka Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in laba farriimood oo muhiim ah ay kasoo gaartay reer Muqdisho, ayna wax ka qaban doonto xukuumadda oo kaashaaneysa maamulka gobolka.

Xamza ayaa sheegay in farriinta koowaad ay tahay in wax laga qabto saameynta ka dhalatay roobabkii ka da’ay caasimada oo burbur iyo dhibaatooyin ka geystay Muqdisho.

“Dadka reer Muqdisho farriintiina waa nasoo gaartay, laba farriimood oo muhiim ah oo ay dadka Muqdisho soo direen ayaa jirta mid waxaa weeye biyahaas in wax laga qabto iyo daadadka magaaladaan mar walba kusoo rogmada” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale farriinta labaad waxa uu ku sheegay inay tahay dalab uga yimid shacabka oo ku aadan in dhagxaanta laga qaado waddooyinka xiran, maadaama uu soo hagaagay amniga degmooyinka gobolka Banaadir, wuxuuna ballan qaaday in la fulin doono fariimahaasi.

“Qodobka labaad waxaa weeye amniga magaalada haddii uu fiicnaaday in dhagxaanta la qaado iyagana waa fariimaha ka imaanaya bulshada, waxaana leenahay bulshada reer Muqdisho fariimihiinii wayna soo gaareen, waana la sameyneynaa” ayuu mar kale yiri.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa sidoo kale faray maamulka gobolka inuu wax ka beddalo qorshaha dhismaha waddooyinka, si xal waara loogu helo daadadkan soo laa laabtay.

“Guddoomiyaha gobolka waxaa fareynaa inay u howlgalaan sidii wax looga qaban lahaa waan hubaa inay ku dhex jiraan oo aysan labadaan habeen seexanin oo ay aad u ordayeen, laakiin haddana waxaan u baahanahay sideedaba in magaaladan habka ay hadda biyuhu u fariistaan iyo laamiyada la dhisayo way is diidan tahay marka waxaanu u baahanahay habkii mariinada ahaa ee ay biyuhu u mari jireen ee saxda ahayd in la raadiyo” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay xaaladaha ka dhashay fataahadaha iyo daadadka ku dhuftay qaybo badan oo kamid ah dalka, isaga oo ku baaqay in laga qayb-qaato gurmadka.

“Aan isku dayno inaan ka qayb qaadano dadkeena sidii loogu gurman lahaa, dowladdu way dadaaleysaa wixii tabar ah ma yareysaneyso” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

 

The post Daawo: Farriintii reer Muqdisho oo gaartay R/W Xamza + Jawaabta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this