Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Muqdisho oo kormeeray goobaha ay biya fariisiyeen Roobabkii Daadadka watay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1699682539503.jpg?resize=719%2C48

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer ku tagay goobaha ay biyo dhigeen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Magaalada Muqdisho, asigoona warbixin ka dhageystay Guddiga maareynta & xal u helida saameynta uu reebay Roobabkaasi.

Guddiga ayaa sheegay in inta badan goobihii ay biyo dhigeen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Magaalada la maareeyay, goobaha harsanna la maareyn doonno waqtiyada soo socda, iyadoona sidoo kale ay socdaan shaqooyinka dib-usoo celinta bilicda iyo Nadaafada Magaalada Muqdisho.

Duqa Magaalada ayaa faray Guddiga in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu shaqeeyo goobaha ay biyo dhigeen roobabka daadadka watay ee ka da’ay Magaalada Muqdisho, sidoo kale in dib loosoo celiyo bilicda Caasimadda iyo in la gar-gaaro dadka ay saameynta ku yeesheen roobabkii da’ay.

Ugu danbeyn Duqa Muqdisho ayaa Guddiga heer Gobol ugu baaqay in loo diyaar garoobo Allaha naga najeeyee xaalad kasta oo soo kordha taasi oo ku saabsan saadaasha laga bixinayo roobabka daadadka wata ee El-Nino oo weli kusoo wajahan qeybo ka mid ah dalka.

FB_IMG_1699682528602.jpg?resize=719%2C48 FB_IMG_1699682539503.jpg?resize=719%2C48 FB_IMG_1699682533226.jpg?resize=719%2C48 FB_IMG_1699682553042.jpg?resize=719%2C48

The post Duqa Muqdisho oo kormeeray goobaha ay biya fariisiyeen Roobabkii Daadadka watay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this