Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Taliyaha Booliska Guriceel oo war culus ka soo saaray dilkii loo geystay walaalkiis

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_5805.jpeg?fit=1044%2C713&ssl=1

Guriceel (Caasimada Online) – Taliyaha booliska degmada Guriceel Cismaan Cali Hudey ayaa ka hadlay dil xalay walaalkiis Cabdullahi Cali Hudey loogu geystay Guriceel.

Taliyaha ayaa sheegay in ninkii dilay walaalkiis ay ku raad-joogaan ciidamada amniga ee ka howlgala degmadaas.

Wuxuu sheegay in maanta ilaa xalay ay baarayeen qaabkii uu u dhacay dilkaas iyo cidda geysatay, isla markaana ay ka go’antahay inay soo qabtaan ninkii geystay dilkaas.

Taliyaha ayaa qabaa’ilka dega Guriceel ka codsaday in aysan geysan dil kale oo aano qabiil uusan u dilaacin kiiskaan, isagoo balan qaaday in gacan ku dhiiglaha ay cadaaladda hor keeni doonaan.

“Dadka ehelka ah ee wax gaareen waxaan ka rabnaa inay sugaan laamaha amniga iyo odayaasha dhaqanka, dadkaan Guriceel wada dega waa walaalo, waxa dhacayna qadarta ribbi ayey ku dhaceen oo walaalkey waqtigiisa ma dhaafeen, marka waxaan codsaneynaa in fidno kale aysan dhicin,” ayuu yiri Taliye Cismaan Hudey.

Taliyaha ayaa u mahadceliyey dadka reer Guriceel oo maanta aad uga dhiidhiyey dilkii xalay, isku soo bax-weyna sameeyey, si ay u muujiyaan sida ay uga xunyihiin wixii dhacay.

Nin hubeysan ayaa xalay goobtiisa ganacsiga oo ku dhex dilay Allaha u naxariistee Cabdullahi Cali Hudey, waxaana goobta ka baxsaday ninkii dilka geystay.

Dilkaas kadib ciidamada amniga degmada Guriceel ayaa magaalada ka wada baaritaano la doonayo in lagu soo qabto ninkii dilka geystay, arrintaan ayaa salka ku heysa howlgallo habeeno ka hor ay magaalada sameeyeen ciidamada ammaanka, waxaana wiilka la dilay loo dakaneeyey walaalkiis oo ah taliyaha booliska.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Taliyaha Booliska Guriceel oo war culus ka soo saaray dilkii loo geystay walaalkiis appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this