Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo lagu eedeeyay in ay weerartay Isbitaallo ku yaalla marinka Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   
hospital.webp?resize=770%2C513&ssl=1

Israa’iil ayaa weerartay saddex isbitaal oo ku yaalla Gaza, oo ay ku jiraan xarunta caafimaadka ee ugu weyn, taasoo keentay wax u muuqday dhaawacyo badan,sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka gobolka ee ay maamusho Xamaas.

Human Rights Watch waxay sheegtay in kumanaan bukaan ah iyo Falastiiniyiin barakacayaal ah oo ku sugan cisbitaalka al-Shifa ee magaalada Gaza ay la kulmeen xaalad khatar ah oo aad u daran.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin oo ku sugan Qaza ayaa sheegay in duqeynta Israa’iil ay ka dhacday barxadda dhismaha ee cisbitaalka  al-Shifa.

Cabsi xooggan ayaa soo wajahay bukaanada Falastiin ee jooga cisbitaalada Gaza,iyadoo duqeymaha Israa’iil ee Marinka Qaza ay sii socdaan,isla markaana ciidamada ay beegsanayaan kaabayaasha rayidka oo ay ku jiraan dhowr isbitaal oo ku yaalla Magaalada Gaza.

Ugu yaraan 10812 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar,halka dhimashada Israa’iil, ay gaartay in ka badan 1,400.

PUNTLAND POST

The post Israa’iil oo lagu eedeeyay in ay weerartay Isbitaallo ku yaalla marinka Gaza appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this