Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: SOOMAALIYA iyo SACUUDIGA oo Riyadh ku saxiixday heshiis cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
399002109_807316211434987_38907881337094

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa heshiis cusub ku saxiixday magaalada Riyadh ee caasimada dalka Sacuudiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Haruuse ayaa heshiiskan oo ah mid iskaashi ayaa qalinka ku duugay, isaga oo la saxiixday dhigiisa Boqortooyada Sacuudiga Mudane H.E Faisal bin Farhan Al Saud.

Heshiiskaan iskaashi ayaa waxa uu waddada u xaarayaa wada-shaqaynta labada dal iyo in hay’adaha labada dal si goonni-goonni ah u galaan is-fahanno iyo heshiisyo wada-shaqayneed.

Dhawaan ayey aheyd markii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen heshiis u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Hesiiskaas ayaa ku saabsana dhinaca iskaashiga amniga ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, sida markaas lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

“Golaha wuxuu ansixiyay heshiis dhex-maray dowladda Soomaaliya iyo dowladda boqortooyada Sacuudi Caribiya, kaas oo ku saabsan dhinaca amniga oo labada waddan ay iska kaashan doonaan.”

Si kastaba, Sacuudiga ayaa kamid ah dalalka Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dhaqaalaa iyo arrimaha bani’aadanimada.

398996712_807316124768329_62109961356903

399037730_807316181434990_72825629809885

398991669_807316194768322_32687124684880

399002109_807316211434987_38907881337094

398962666_807316224768319_70636687273365

The post Sawirro: SOOMAALIYA iyo SACUUDIGA oo Riyadh ku saxiixday heshiis cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this