Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo war kasoo saartay dagaalka ka qarxay duleedka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
Laascaanood.jpg?fit=1280%2C960&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dagaalka culus ee markale dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Somaliland ayaa sheegtay in dagaalka uu yimid kadib markii ciidamo ay ku sheegtay huwanta ee kasoo horjeeda ay weerar kusoo qaadeen dadka shacabka ah ee deegaanka Buq-dharkayn ee gobolka Sool.

“Waxaa weerar ku soo qaaday dadka shacabka ah ee degaanka Buq-dharkayn ee gobolka Sool, kooxda argagixisada ah uu hoggaamiyo Cabdi Madoobe, huwanta ka dagaalanta bariga Laascaanood iyo ciidamada maamul goboleedka Puntland ee Soomaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland.

Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri “Dadka shacabka ayaa iska difaacay weerarada ay soo qaadeen kooxda argagixisada ah iyo huwanta, weerar kaasi oo ahaa dagaal badheedha oo lagu soo qaaday shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabada jecel, weerarkan ay soo qaadeen maalintii labaad ayaa muujinaya sida aanay marnaba u doonayn nabad.”

Somaliland ayaa sheegtay in ay ciidamadeedu cagta mariyeen ciidamadii soo qaaday weerarka oo ay sheegtay inuu hoggaaminayay Cabdi Madoobe, ayna qeyb ka ahaayeen kuwa maamulka Puntland, sida lagu yiri qoraalka.

“Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo gudanaya waajibaadkooda ka saaran ilaalinta shacabka iyo difaaca Qarannimada ayaa u diray degaanka Buq-dharkayn cutub ka tirsan ciidanka Qaranka ee sida gaarka ah u tababaran waxayna cagta mariyeen kooxaha Huwanta, argagixisada uu hogaamiyo Cabdi Madoobe iyo ciidamada maamul goboleedka Puntland ee Soomaliya ee soo duulay.”

“Waxaa soo gaadhay kooxaha Huwanta khasaarihii ugu waynaa, waxayna la kulmeen jab aanay mahadin,” ayaa lagu yiri bayaanka oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.

Ugu dambeyntiina waxaa lagu faray ciidamada Somaliland in ay tallaabo ka qaadan cadow kasta oo soo hawaysta deegaanadeeda, islamarkaana ay sugayso oo ilaalinayso amniga guud ee shacabkeeda iyo xuduudeheeda.

“Waxay Ciidamada Qaranku amar ku qabaan difaaca dalka iyo in ay cashar u dhigaan cadow kasta oo soo hawaysta Jamhuuriyadda Somaliland.”

Marka laga yimaado hadalka Somaliland, sidoo kale SSC ayaa dhankeeda sheegtay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad beeleed ay soo baabushay sida ay hadalka u dhigtay.

Dagaalkii shalay dhacay ayaa waxaa ku dhintay 20 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo labada dhinac, waxaa sidoo kale jira gaadiid laga qabsaday Somaliland.

Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii ugu dambeeyay ay daganeyd xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kadib markii Somaliland laga qabsaday xerada Goojacadde.

The post Somaliland oo war kasoo saartay dagaalka ka qarxay duleedka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this