Sign in to follow this  
Deeq A.

SSC oo soo bandhigtay maxaabiis cusub oo ka tirsan ciidanka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
Maxaabiis.jpg?fit=660%2C660&ssl=1

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa soo bandhigay maxaabiis cusub oo ka tirsan ciidamada Somaliland, kuwaasi oo ay ciidanka SSC ku soo qabteen dagaalkii u dambeeyay ee ay la galeen ciidamada Somaliland.

Bayaanka kasoo baxay SSC-Khaatumo ayaa waxaa lagu sheegay in maxaabiistani ay ku jiraan saraakiil sare, sidoo kalena ay dagaalka ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo hub.

“Waxaa lagu qabtay dagaalkaas gaadiid dagaal iyo 10 maxbuus oo ka tirsan ciidamada Muuse Biixi, kuwaasi oo ay ku jiraan saraakiil sare. Maxaabiistaas oo warbaahinta loo soo bandhigi doono,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Waxaanu halkan ku cambaaraynaynaa weerarada isdaba jooga ah iyo abaabulka colaadeed ee Muuse Biixi ku wado dadka iyo deegaanada reer SSC-Khaatumo.”

Maxaabiista qaarkood oo wareysi laga qaaday ayaa waxay ku sheegeen in si wanaagsan loola dhaqmay kadib markii lasoo qabtay, ayada oo qaar kamid ah oo dhaawacyo qaba loo sameeyay daryeel caafimaad.

Dhinaca kale, SSC-Khaatumo ayaa waxay weerarada Somaliland ujeedkooda ku sheegtay inuu yahay abuurista dagaal beeleedyo, kaasi oo uu Muuse Biixi kaga dhabeynayo ballanwaadkiisii 14-ka October ee ahaa “inuu qaadi doono weeraro isdaba joog ah islamarkaana uu abuuri doono maleeshiyo beeleedyo uu ugu yeedhay ciidamo madani ah,” sida lagu yiri qoraalka SSC.

“Waxaanu dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamkaba ugu baaqaynaa in ay xoogga saaraan sidii loo joojin lahaa weerarada isdaba jooga ah iyo abaabhlka colaadeed ee uusan qarsanayn Muuse Biixi, kuwaas oo uu ku beegsanayo dadka iyo deegaanada SSC-Khaatumo.”

Si kastaba, Dagaalka Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa markale dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Buq-dharkayn, kaasi oo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.

The post SSC oo soo bandhigtay maxaabiis cusub oo ka tirsan ciidanka Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this