Deeq A. Posted November 10, 2023 Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Jimco ah kulan gaar ah la qaatay ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Mudane Abiy Axmed Cali. Labada masuul ayaa kulankaan waxay uga wada-hadleen xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga labada dowladood, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo dowladda kasoo saartay kulankaan. Madaxweyne Xasan oo xalay gaaray caasimada Sacuudiga ee Riyadh ayaa ka qayb-gali doona saddex shir oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah; 1- Shirka Jaamacada Carabta 2- Shirka Ururka iskaashiga Islaamka 3- Shirka Sacuudiga iyo Afrika. Shirarkaas ayaa waxaa intooda badan looga hadli doonaa xaaladda shacabka Falastiin oo duqeymo culus ay u geysanayaa ciidamada Israa’iil. Isku soo wada duubo, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu kasoo dhamaado safarkaan uu ku joogo Sacuudiga wuxuu dib ugu laaba doonaa Dhuusamareeb oo saldhig u ah halganka dagaal ee dalka looga saarayo kooxda Al-Shabaab. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo Riyadh kula kulmay Abiy Axmed appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites