Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo shirar kaga qayb galaya Caasimadda Sacuudi Carabiya

Recommended Posts

Deeq A.   
mad-860x504-1.png?resize=860%2C504&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray caasimadda Boqortooyada Sucuudiga ee Riyaad halkaasi oo loogu sameeya soo dhoweyn.

Madaweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu ka qayb galo Saddex shir oo kala ah Shirka Jaamacada Carabta, shirka Ururka iskaashiga Islaamka iyo kan Sacuudiga iyo Afrika.

Shirarkaasi ayaa intooda badan looga hadli doonaa Arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo kuwa bulshada iyo gaar ahaan xaaladaha cusub ee la soo dersay shacabka Falaatiin iyo sida xal loogu heli karo dagaalada ka socda Gaza.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo shirar kaga qayb galaya Caasimadda Sacuudi Carabiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this