Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo bilowday xabbad-joojin kooban oo maalinle ah

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-c0a8-0242-2db8-08dbe16cc235_w40

Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in Israa’iil ay bilaabi doonto dhaqangelinta xabbad-joojin maalinle ah oo afar saacadood ah hawlgalkeeda milatari ee ka dhanka ah Xamaas ee waqooyiga QASA.

Dhawaaqidda afhayeenka golaha amaanka qaranka John Kirby ayaa kusoo beegmeysa xilli ciidamada Israa’iil ay magaalada QASA kula dagaalameen xoogaga Xamaas, waxaana magaalada isaga cararay shacab badan oo Falastiiniyiin ah.

Kirby waxa uu sheegay in xabbad-joojintu ay siineyso Falastiiniyiinta wakhti ay ku baxsadaan, iyaga oo isticmaalaya laba waddo oo bini’aadantinimo, ayna ka dhigan tahay horumar la taaban karo oo lagu dhimayo khasaaraha dagaalka.

“Israa’iiliyiintu waxa ay nagu wargeliyeen in aanay jirin wax hawl-gal ah oo milatari oo ka dhici doona aagaggaas inta lagu guda jiro muddada xabbad-joojinta” ayuu yiri John Kirby.

Waxa uu intaa ku daray in fikradda joojinta ay timid intii lagu guda jiray wadahadal u dhaxeeyay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

PUNTLAND POST

The post Israa’iil oo bilowday xabbad-joojin kooban oo maalinle ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this