Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland oo war ka soo saartay Dagaallo ilaa shalay ka dhacay Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

DEGDEG: Xukuumadda Somaliland oo war ka soo saartay Dagaallo ilaa shalay ka dhacay Gobolka Sool

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa-(Qaran news)- Waxa maalintii labaad weerar ku soo qaaday dadka shacabka ah ee ku dhaqan degaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool, kooxda argagixisada ah uu hoggaamiyo Cabdi Madoobe, Huwanta ka dagaallanta bariga Laascaanood iyo ciidammada Maamul-goboleedka Soomaliya ee Puntland.

Dadka shacabka ayaa iska difaacay weerarrada ay soo qaadeen kooxda argagixisada ah iyo Huwanta, kaasoo ahaa dagaal badheedha oo lagu soo qaaday shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabadda jecel.

Weerarkan ay soo qaadeen maalintii labaad ayaa muujinaya sida aanay marnaba u doonayn nabad.

Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo gudanaya waajibaadkooda ka saaran ilaalinta shacabka iyo difaaca qarannimada, ayaa u diray degaanka Buq-dharkayn cutub ka tirsan Ciidanka Qaranka ee sida gaarka ah u tababaran, waxayna cagta mariyeen kooxaha Huwanta, argagixisada uu hoggaamiyo Cabdi Madoobe iyo malleeshiyada Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaliya ee soo duulay.

Waxa soo gaadhay kooxaha Huwanta khasaarihii ugu weynaa, waxayna la kulmeen jab aanay mahadin.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddaynaysaa in ay sugayso oo ilaalinayso amniga guud ee shacabkeeda iyo xuduudaheeda, waxayna Ciidammada Qaranku amar ku qabaan difaaca dalka iyo in ay cashar u dhigaan cadow kasta oo soo hawaysta Jamhuuriyadda Somaliland.

Cabdillaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this