Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka socda duleedka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
laascaanood.jpg?fit=1600%2C950&ssl=1

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo markale duhurnimadii maanta dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatuma.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu hadda ka socdo tuulada Buq-Dharkayn oo u dhow magaalada Oog, sidoo kalena in ka badan 120 km waqooyi Galbeed uga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, mana cadda khasaaraha soo kala gaaray.

Wararka ayaa sheegaya in jiraan dhaawacyo lasoo gaarsiiyay magaalada Laascaanood, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.

“Dagaal culus baa socda dhiigaga hala shubo oo cisbitalada halatago” ayay tiro Fahiimo Yuusuf Qooje oo ka mid ah gabdhaha u dhaq-dhaqaaq maamulka SSC-Khaatuma.

Sidoo kale SSC oo ka hadashay dagaalkan ayaa sheegtay inay soo qaadeen ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad beeleed ay soo baabushay sida ay hadalka u dhigtay.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay inay iska dafaacday weerar ay sheegtay in lagu soo qaaday ciidamadeeda ku suga aaggaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegatay SSC-Khaatuma.

Dagaalkii shalay dhacay ayaa waxaa ku dhintay 20 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo labada dhinac, waxaa sidoo kale jira gaadiid laga qabsaday Somaliland.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo kamid ah Sool oo ay isku horfadhiyaan labada dhnac.

Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda magaalada Laascaanood, kadib markii Somaliland laga qabsaday xerada Goojacadde.

The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka socda duleedka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this