Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Jareerweyne oo qeylo dhaan ka soo saartay xukunka lagu riday Taliyihii kooxda Sheegow

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_5779.jpeg?fit=1169%2C735&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal dhaqan, haween iyo dhalinyaro ka soo jeeda beesha Jareerweyne ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, waxayna war ka soo saareen kiiska nin ka mid ahaa askartii Sheegow oo dhawaan dil toogasho ah lagu xukumay.

Axmed Maxamed Xasan oo loo yaqaan (Abiy Axmed) wuxuu ahaa taliyihii ciidamada Sheegow oo dowladda u xiran Axmed, waxaa lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii maalmo ka hor lasoo taagay maxkamadda ciidamada isaga iyo kooxdii Sheegow.

Sababta dil toogasho ah loogu xukumay Axmed, waa in laba qof uu hadda ka hor ku hor dilay maxkamadda degmada Jowhar, balse beelaha ay ka soo kala jeedeen ayaa diyo ama mag kala qaatay.

Maxkamadda oo tixraaceysa cadeymaha dilkaas ay beeluhu sheegeen in xal laga gaaray ayaa ninkaan dil ku xukuntay, waxaana hadda soo baxday qeylo dhaan ka timid beesha Jareerweyne.

Shirkii jaraa’id ee maanta ugu horeyn waxaa warbaahinta la hadlay beeshii ay ka dhasheen labada wiil ee maxkamadda Jowhar uu ku hor dilay Abiy Axmed, waxayna farriin u direen dowladda.

Waxay sheegeen in kiiskaan ay beesha Jareerweyne ka heshiisay, isla markaana la kala qaatay diyadiisa, sidaas darteed waxay codsadeen in Axmed aan kiiskaas loo toogan.

Sidoo kale waxaa hadlay beesha uu ka dhashay Abiy Axmed, waxay sheegeen inay bixiyeen diyada ragga loo heyto wiilkooda, isla markaana ay codaanayaan in dowladdu ay tix-geliso heshiiska beesha.

Ninkaan oo ahaa taliyaha kooxdii Sheegow ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, waxaana lagu helay dilka labada nin ee beelahaan ay sheegeen in laga heshiiyey.

Hoos ka daawo

The post Beesha Jareerweyne oo qeylo dhaan ka soo saartay xukunka lagu riday Taliyihii kooxda Sheegow appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this