Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha booliska Guriceel walaalkiis oo caawa la dilay – Muxuu salka ku hayaa dilkiisa?

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_5787.jpeg?fit=640%2C960&ssl=1

Guriceel (Caasimada Online) – Cabdullaahi Cali Hudey oo ay walaalo ahaayeen Taliyaha booliska degmada Guriceel Cismaan Cali Hudey ayaa caawa la dilay.

Allaha u naxariistee Cabdullahi waxaa lagu dhex dilay goob ganacsi oo Guriceel uu ku lahaa, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Koox hubeysan ayaa dishay Marxuumka, kuwaas oo dilka kadib goobta ka baxsaday, waxaana caawa magaalada ka socda howlgallo lagu baacsanayo raggii dilka geystay.

Marxuumka ayaa ka tirsanaa ciidamada dib u xoreynta deegaanka, wuxuuna maalmihii lasoo dhaafay ka soo muuqday furinta Burujeed.

Dilka Cabdullahi Cali Hudey waxaa la sheegay inuu dabajoogo dil kale oo habeeno ka hor ka dhacay gudaha degmada Guriceel.

Ciidamada amniga Guriceel, gaar ahaan booliska degmada iyo NISA oo habeeno ka hor ku jiray howlgal ayaa waxay dagaal la galeen koox hubeysan oo markii dambe la sheegay inay ka ganacsanayeen maandooriyaha.

Iska hor imaadkii habeenkaas waxaa ku dhibtay labo qof oo mid shacab yahay midna askari ka tirsanaa ciidamada amniga, halka afar qof oo kale ay dhaawacmeen.

Dilka caawa dhacay ee loo geystay Taliyaha booliska Guriceel walaalkiis, waxaa la aamisan yahay inuu salka ku hayo dhacdadii habeenkaas, inkastoo aan weli si dhab ah loo ogaan kooxda dishay marxuumka.

The post Taliyaha booliska Guriceel walaalkiis oo caawa la dilay – Muxuu salka ku hayaa dilkiisa? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this