Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada oo ansixiyay sharciga amniga Saybarka iyo Xeer Nidaamiyaha NISA + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
399293752_696096882619461_47987645343606

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shirkooda todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana guddoomiyay sida caadada ahayd ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Inta badan golaha waisirada ayaa shirkan soo xaadiray, ayada oo lagu ansixiyay laba xeer oo muhiim u ah amniga dalka, oo ay dadaal xoogan ku bixineyso dowladda Soomaaliya.

Labada xeer ee ay goluhu meel-mariyeen ayaa kala ah  Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka (Cyper Security), kaas oo ay goluhu maanta u codeeyeen, wuxuuna usii gudbi doonaan baarlamaanka Soomaaliya.

Intaas kadib golaha waisirada ayaa waxaa la horkeenay warbixinta baaxadda dhibaatada ka dhalatay roobabka iyo daadadka El-nino ee ka da’ay gobollo badan oo ka mid ah dalka.

Golaha ayaa faray hay’adaha ka shaqeynaya gurmadka in la dardargeliyo sidii deg-deg gurmad loola gaari lahaa meelaha uu saameynta xoogga ku yeesheen daadadka.

Sidoo kale shirka golaha wasiirada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka wasaaradaha gaashaadhigga iyo amniga gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla markaana ciidanku hadda ku hawlan yihiin samo-tabixinta dadka fatahaadaha roobabku saameeyeen.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku dhuftay daadad xoogan oo saameyn ku yeeshay boqolaal kun oo qoys oo ka barakacay guryahooda, kadib ay dadaadku qaadeen.

Si kastaba, dowladda federaalka ayaa haatan wata gurmad xoogan oo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa xaaladdan, waxayna maanta doonyo u dirtay gobolka Gedo.

399147003_696096802619469_43540818623134 399165643_696096782619471_85754845134744 399293752_696096882619461_47987645343606 399299382_696096895952793_81421487834706 399305059_696096752619474_28462699089679 399323597_696096629286153_79518517787760 399347071_696096852619464_40799363544864 399471261_696096902619459_17715818234045

The post Golaha wasiirada oo ansixiyay sharciga amniga Saybarka iyo Xeer Nidaamiyaha NISA + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this