Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Salaad oo golaha wasiirada uga mahadceliyay tallaabadii ay qaadeen

Recommended Posts

Deeq A.   
Mahad-Salaad.jpg?fit=1080%2C719&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA), Mahad Maxamed Salaad oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa u mahad-celiyay golaha wasiirada oo maanta kulankooda todobaadlaha ahaa ku meel-mariyayy Xeer Nidaamiyaha Hay’adda NISA, kadib markii uu soo maray habraacii loogu talagalay.

Mahad Salaad ayaa sheegay in golaha wasiirada ay qaadeen tallaabo loo baahnaa, isla-markaana uu uga mahadcelinayo meel marintan xeerkaan oo muhiim u ah NISA.

“Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee maanta (9/11/2023) meel-mariyey XEER-NIDAAMIYAHA Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka,” ayuu yiri Taliyuhu.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xeerkaan uu ahmiyad gaar ah siinayo horumarinta howlaha Hay’adda Nabad Sugidda, isla-markaana uu lama huraan u yahay shaqada.

“Xeer-nidaamiyahaan, oo ahmiyad iyo faa’iido weyn u eh socodsiinta iyo horumarinta howlaha HSNQ; wuxuu ka jawaabayaa baahiyo taagan oo la xiriira dhaqangalinta qodobada sharciga HSNQ, wuxuuna Xeerkaani faah-faahinayaa isla-markaana xeerinayaa arrimo lama huraan u ah shaqada HSNQ” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay NISA.

Ugu dambeyn wuxuu talisku u mahadceliyay dhammaan quburaduu iyo mas’uuliyiintii kala duwanaa ee kasoo shaqeeyay xeer-nidaamiyaha NISA ee maanta la meel-mariyay.

“Dhanka kale, waxaan u mahadnaqayaa dhammaan mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada kala duwan ee kaalinta ku lahaa fudaydinta iyo talada arrimaha Xeerkan la xiriira” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka uu soo saaray taliya Mahad Salaad Maxamed.

400858057_806973581469250_17054066739549

The post Mahad Salaad oo golaha wasiirada uga mahadceliyay tallaabadii ay qaadeen appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this