Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhalinyaro Soomaali ah oo xalay lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
2023119638350896323421298.jpg?resize=660

Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa xaqiijinaya in halkaasi xalay lagu dilay laba dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed.

Burcad hubaysan oo u dhashay waddanka Koonfur Afrika ayaa duleedka magaalada Cape Town ku dilay laba marxuum sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Yuusuf Maxamed Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin ayaa lagu dhex dilay gooba ganacsi oo ay ku lahaayeen degaanka Phillipi oo ka tirsan magaalada Cape Town.

Wararka ayaa intaas ku daraya in burcadda hubaysan ay dilka kadib dhac u gaysteen goobihii ganacsi ee ay lahaayeen labada wiil ee la dilay.

Bishaan Novembar gudaheeda waxaa dalka Koonfur Afrika meelo kala duwan oo ka mid ah lagu dilay ilaa sideed Muwaadiniin Soomaali ah oo dalkaasi u shaqo tagay.

PUNTLAND POST

The post Dhalinyaro Soomaali ah oo xalay lagu dilay dalka Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this