Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xooggan oo dib uga qarxay degaanka Buqdharkay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1699522019162.jpg?resize=720%2C40

Dagaal aad u xooggan ayaa hadda ka socda nawaaxiga Buq-dharkayn oo ka tirsan degaanka Yeyle halkaas oo shalay uu ka dhacay dagaal beeleed.

Ciidamo ka tirsan Somaliland oo ay weheliyaan maleeshiyaad laga soo ururiyay Caynaba iyo Habari-heshay ayaa sida la sheegayo soo weeraray Buq-dharkayn.

Ciidamada SSC oo sugayay Amniga degaanka Buq-dharkayn ayaa jawaab ka bixiyay weerarka Ciidamada Somaliland sida ay noo sheegeen saraakiisha SSC-Khaatumo.

Dagaalka ayaa sii xoogaysanaya waxaana nawaaxiga laga maqlayaa deryanka hubka culus inkastoo aan faahfaahin laga helin khasaaraha labada dhinac.

PUNTLAND POST

The post Dagaal xooggan oo dib uga qarxay degaanka Buqdharkay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this