Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya deegaanka Phillipi oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika ayaa sheegaya in burcad hubeysan ay halkaasi ku dileen laba nin oo Soomaali ah.

Budhcada hubeysan ayaa labada nin ee Soomaaliyeed oo ku dhex dilay goobtooda ganacsi oo ku taalay deegaanka Phillipi, waxaana la sheegay in dilka kadib ay dhaceen agabkii muhiimka ahaa ee dukaanka yaalay.

Labada nin ee Xalay lagu dilay dalka Koonfur Afrika oo ah wiilal dhalinyaro ah ayaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin.

Dilka kadib ciidamo ka tirsan Booliiska dalkaas ayaa goobta gaaray, kuwaas oo sameeyay baadhitaano aanan kooban oo aysan kasoo bixin wax natiijo ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this