RedSea Posted February 3, 2009 Inaa Lilaahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun. Xasuuq bilaa xad ah!. In ka badan afartan oo Muqdisho Ku dhimatay Ciidamada Amisom In ka badan 40 qof ayaa ku dhintay Muqdisho, ka dib markii ay ciidamada Midowga Afrilka ay fureen rasaas ay kaga jawaabayeen bomb loo dhigay jidka Maka almukarama. Abdifitaax Ibraahin Shaaweey oo ah ku simaha gudoomiyaha gobolka ahna gudoomiye ku xigeen, ayaa BBCda u xaqiijiyay dhimashada dadka rayidka. Waraysiga gudoomiyaha Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada Amisom ay rasaas ku fureen baabuur iyo dad jidka marayay. Gudoomiyaha ayaa sheegay in afar baabuurta shacabka dad weynaha in dadkii saarnaa aan waxba ka harin una gaysteen xasuuq ula kac shacabka Soomaaliyeed. Hal askari ayaa uga dhaawacmay ciidamada Midowga Afrika qaraxa. Midowga Afrika ayaa sheegay in dhimashada dadka ay tahay afar qof. ^^^Murderers. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted February 3, 2009 Ilaahay ha u naxariisto eheladoodiina samir yo iimaan Ilaah haka siiyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites