Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuusuf Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin oo lagu dilay K/ Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
2023119638350896323421298.jpg?fit=660%2C

Cape Town (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaaliyeed oo sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan dalkaas lagu dilay deegaan hoostaga magaalada Cape Town ee dalkaasi.

Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay dileen muwaadiniintaas oo ku sugnaa deegaanka Philippi oo kamid ah deegaanada hoostaga Cape Town.

Labada marxuum oo dhalinyaro ahaa ayaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin, sida innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in labada wiil ay burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaas ay ku dhex toogateen goobtooda ganacsi oo ku taalla halkaasi, kadibna baxsadeen.

Sidoo kale burcadda ayaa waxay dhac u geysatay dukaanka labada marxuum, iyaga oo goobta ka qaatay agabkii muhiimka ahaa ee dukaanka yaalay.

Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrka ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadada u aheyd, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka.

Hase yeeshe wax natiijo ah oo illaa hadda ma jirto kasoo baxday baaritaanka ay saameeyeen ciidamada booliska ee goobta tegay, kadib wiilasha Soomaalid ah.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa sii kordhayay weerarada lagu hayo Soomaalida ku dhaqan dalkaasi ayada oo bishaan gudaheeda lagu dilay illaa sideed muwaadin oo dalkaasi u shaqo tagay, taas oo muujineysa inuu sii kordhinayo beegsiga lagu hayo Soomaalida.

Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Mana jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaalida ah ee dalkaasi u shaqo doontay, oo iyagu u badan dhaca, dhaawaca iyo dilalka loo geysto dadka ajaaniibta ah ee ku ganacsada dalkaasi.

 

The post Yuusuf Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin oo lagu dilay K/ Afrika appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this