Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: C/casiis Xildhibaan: “Kheyre wuxuu igu yiri kuwo qabiilkaaga ka tirsan la imow”

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdicasiis-Xildhibaan.png?fit=1920%2C10

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenkii hore Wasaaradda Amniga ee Xukuumadii Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre Cabdicasiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa wareysi lala yeeshay wuxuu kaga hadlayo arrimo dhowr ah, isaga oo ka sheekeynaya dhacdooyinkii uu goob jooga u ahaa xilligii uu ahaa afhayeenkii Wasaaradda Amniga.

“Markii dib loo doortay Madaxweyne Xassan wuxuu wacad ku maray  inta uu dalka madax ka yahay inuu  kooxda Shabaab la diriri doono, dalka na ka xorreyn doono,” ayuu yiri C/casiis Xildhibaan isaga oo dhinaca kale na tilmaamay in marka isbarbar dhig lagu sameeyo  Dowladdii hore iyo Dowladda madaxweyne Xassan Sheekh inuu jiro farqi weyn oo dhinaca amniga ah.

“Waxaa jira wareysi dhowaan lala yeeshay Taliyihii Sirdoonka Bashiir Maxamed Jaamac wuxuu u sheegay shacabka Soomaaliyeed in 2 Dowladood ay ku wada noolaayeen Muqdisho, qatarta amniga na ay ka sareysay tan maanta jirta, dhacdadii 14-ka Oktoobar kaddib 7 maalmood ayeey xirneyd Dekadda Muqdisho,” ayuu yiir Cabdicasiis Xildhibaan, wuxuuna intaasi ku daray inuu ka mid ahaa 5-tii qofood ee ugu horreeysay ee shaqada iska  casilay.

“Waxaad ogtahay nabadgelyada ka jirta caawa Muqdisho meesha ay joogto & meeshii ay joogtay xilligii aan Afhayeenka ahaa, waxaan shirarka jaraaid ku qaban jiray goobaha ay qaraxyada ka dhacaan iyada oo uusan ila socon askari,” ayuu yiri Cabdicasiis Xildhibaan, wuxuuna intaasi ku daray inuu u bareeray inuu qatartaas.

“Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre markii aan ka dalbaday in ilaalo la ii sameeyo wuxuu igu yiri kuwa qabiilkaaga ka tirsan oo ilaalo kuu noqda la imow, waxaan ku iri ma jiraan miyaa ciidamo Dowladdu leedahay?,” ayuu yiri Cabdicasiis Xildhibaan oo intaasi ku daray in taasi qeyb ka aheyd sababihii uu isku casilay.

Halkan ka daawa wareysiga Cabdicasiis Xildhibaan oo dhameystiran

The post Daawo: C/casiis Xildhibaan: “Kheyre wuxuu igu yiri kuwo qabiilkaaga ka tirsan la imow” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this