Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo doonyo u dirtay gobolka GEDO + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
400185877_332836259556926_12787500703690

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran (SoDMA) ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gargaar deg-deg ah u diray gobolka Gedo oo ay ku dhufteen fatahaado iyo daadad is wata kadib roobab xoogan oo ka da’ay gobolkaas.

Hay’adda o ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka ayaa doonyo nooco dheereeya ah u diray degmada Baardheere oo kamid ah meelaha ay ugu daran ee ay ku dhufteen daadadka ku rogmaday gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Doonyahaan ayaa lagu wadaa in ay ka qaybqataan badbaadinta boqolaal shacab ah oo xafadaha degmadaas ku go’doonsan kuwaas oo ay go’domiyeen Fatahaada Wabbiga, waxaana Muqdisho looga daabulay diyaarado Qomaatiga u kaca.

“Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka #Gedo Degmooyinkiisa kala duwan ee Dowladd goboleedka #Jubaland kuwaas oo ka dhashay roob mahiigaan ah oo watay daadad iyo fatahaad uu sameeyey Wabbiga Jubba oo mara Degmooyinka Gobolkaas ayaa maanta hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka waxa ay laba Doonyood oo ah nuuca dheereeye u dirtay degmada Baardheere” ayaa lagu yirid warsaxaafadeed kasoo baxay SoDMA

Sidoo kale hay’adda ayaa intaasi kusii dartay inay diyaarisay deeq kala duwan oo gargaar ah kuwaas oo iskugu jira raashin, dhar iyo daawo, kuwaas oo la gayn doono gobolkaasi.

Waxaa kalemoo xusid mudan in maalmo ka hor hay’adda SoDMA doonyo nuuca dheereya ah gaarsiisay degmada Luuq ee gobolka Gedo, si ay u adeegsadaan dadka shacabka ah.

Xaaladda gobolkan ayaa ah mid aad u daran, waxaana saameyn xoogan ku yeeshay roobab daadad wata oo ka da’ay, kuwaas oo gaystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed intaba.

Si kastaba, guud ahaan Soomaaliya waxaa laga digayaa xaaladda Elnino, ayada oo cabsi xoogan laga dareemayo magaalooyinka ay marayaan wabiyada iyo kuwa u dhow xeebaha.

400135596_332836159556936_19653026199299 400147966_332836132890272_85571997563337 400173221_332836389556913_76594777407006 400181303_332836279556924_91258675209480 400185877_332836259556926_12787500703690 400187952_332836399556912_73792075059490

 

The post DF oo doonyo u dirtay gobolka GEDO + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this