Deeq A. Posted November 9, 2023 Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran (SoDMA) ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gargaar deg-deg ah u diray gobolka Gedo oo ay ku dhufteen fatahaado iyo daadad is wata kadib roobab xoogan oo ka da’ay gobolkaas. Hay’adda o ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka ayaa doonyo nooco dheereeya ah u diray degmada Baardheere oo kamid ah meelaha ay ugu daran ee ay ku dhufteen daadadka ku rogmaday gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland. Doonyahaan ayaa lagu wadaa in ay ka qaybqataan badbaadinta boqolaal shacab ah oo xafadaha degmadaas ku go’doonsan kuwaas oo ay go’domiyeen Fatahaada Wabbiga, waxaana Muqdisho looga daabulay diyaarado Qomaatiga u kaca. “Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka #Gedo Degmooyinkiisa kala duwan ee Dowladd goboleedka #Jubaland kuwaas oo ka dhashay roob mahiigaan ah oo watay daadad iyo fatahaad uu sameeyey Wabbiga Jubba oo mara Degmooyinka Gobolkaas ayaa maanta hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka waxa ay laba Doonyood oo ah nuuca dheereeye u dirtay degmada Baardheere” ayaa lagu yirid warsaxaafadeed kasoo baxay SoDMA Sidoo kale hay’adda ayaa intaasi kusii dartay inay diyaarisay deeq kala duwan oo gargaar ah kuwaas oo iskugu jira raashin, dhar iyo daawo, kuwaas oo la gayn doono gobolkaasi. Waxaa kalemoo xusid mudan in maalmo ka hor hay’adda SoDMA doonyo nuuca dheereya ah gaarsiisay degmada Luuq ee gobolka Gedo, si ay u adeegsadaan dadka shacabka ah. Xaaladda gobolkan ayaa ah mid aad u daran, waxaana saameyn xoogan ku yeeshay roobab daadad wata oo ka da’ay, kuwaas oo gaystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed intaba. Si kastaba, guud ahaan Soomaaliya waxaa laga digayaa xaaladda Elnino, ayada oo cabsi xoogan laga dareemayo magaalooyinka ay marayaan wabiyada iyo kuwa u dhow xeebaha. The post DF oo doonyo u dirtay gobolka GEDO + Sawirro appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites