General Duke Posted January 29, 2009 Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyada Waxaan ahay nin Cusub waxaan wadaa wax Cusub (Cod + Sawiro) Finance Minister from Australia Waxaa maanta xilkii la wareegay Wasiirka Cusub ee Wasaardda Maaliyadda DGPL, Mudane Dr.Farax Cali Shire, wasiirka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in maanta uu xilka la wareego, Dr Farax oo ah aqoonyahan deganaa muddo dheer Dalka Australia ayaa maalinimadii shalay loo dhaariyey Wasiirnimo kadib markii uu magacaabey Madaxweyne Faroole. Wasiirkii hore ee DGPL Maxamed Cali Yusuf Gaagaab ayaa ku wareejiyey xilkii maanta waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Gaagaab ayaa sheegay in uu ku wareejiyey Wasiirka deyn gaamurtey cimrigeeduna gaarsiisan yahay 6sano, Waxaan kugu wareejiyey Deyntaa Mudane Wasiir waana in la baxshaa ayuu yiri Gaagaab. Dr.Farax Cali Shire ayaa sheegay in aan wax deyn ah lagu lahayn isaga iyo wasaaradda Maaliyada wax uu bixinaayona aysan jirin mar hadii la bixin waayey hadda ka hor, haloo sheego dadkii idiin imaan jirey deyntu hadey gaarto 5 sano waxaa aduunka lagu sameeyaa Red off marka deyntaasi waa wax wadanka galay ayuu yiri Wasiirku. Dr.Farax Cali ayaa sheegay in uu yahay nin cusub, waxa uu wataana ay tahay nidaam cusub, sheeko cusub, weji cusub, Waxaan bilaabaynaa is bedelka uu keenay Madaxweynuhu in aan samayno in la raaco nidaamka, in la iska ilaasho doc ka faruur, isla markaasna kordhino in aan nahay dad la aaminay. Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxay tahay mid kamid ah halbowlayaasha Wasaaradaha Puntland, hadaba bulshada Puntland waxa ay isha kuwada hayaan habka uu raaco wasiirka cusub, iyo sida uu u maareyn lahaa mushaharaooyinka shaqaalaha , Ciidanka, isla markaana loo ilaalin lahaa Canshuuraha laga qaado bulshadda Puntland in aysan ku dhicin gacmo kale oo si gaar ahaan uga faa’iideysta Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 29, 2009 Another Australian 1- In Ciise Maxamud Farax [ Dholawaa] loo magacabey Agaasimaha Guud ee Agaasinka Guud ee Macaadinta & Shidalka DGPL taasoo hoos imaaneysa Madaxtooyadda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sophist Posted January 29, 2009 A change from the North American and European bunch! Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 29, 2009 ^^^lool. Even Faroole is from Australia. East London needs to do a coup I tell ya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sophist Posted January 29, 2009 No old chap, you and I will head to Mogadishu and leave these Ausies to Puntland! Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 29, 2009 ^^^not a bad idea. Quote Share this post Link to post Share on other sites