Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: DF oo digniin kasoo saartay halis ku wajahan Jowhar iyo Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   
Saalax.jpeg?fit=2048%2C1460&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta gurmadka deg-degga ah ee Hay’adda SoDMA ayaa mar kale ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan daadadka ku dhuftay Soomaaliya.

Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in dhibaato badan ay wajahayaan qoysas badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ay saameeyeen daadadka iyo fatahaada ka jira dalka, wxuuuna xusay in halis kale ay haatan kusoo wajahan tahay Beledweyne iyo Jowhar oo uu maro wabiga Shabelle.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa shaaca ka qaaday in ku dhowaad 100 kun oo qof ay saameeyeen daadadkii ugu dambeeyay ee ku dhuftay gobollada dalka.

“Warbixintu waxa ay sheegeysaa in ugu yaraan 864 kun oo qof oo muwaadiiniin Soomaali ah ay saameeyeen daadadka kasoo rogmanaya deegaanada Itoobiya” ayuu yiri Saalax.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay barakaceen boqolaal kun oo kale, kuwaas oo ay haatan soo wajahday xaalad nololeed oo aad u daran, maadaama aysan haysan hoy iyo cunno.

“Waxay kale oo warbixintu sheegeysaa inay barakaceen ugu yaraan 319 kun oo qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ay ka barakaceen guryihii iyo deegaanadii ay nabadda ku joogeen, kana shaqeysanayeen” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in weli ay jirto halis ku soo socota magaalooyinka qaar, sida Beledweyne iyo Jowhar oo uu tilmaamay inuu ku fatihi karo wabiga Shabelle.

“Waxaa halis ku jira oo ayaamaha soo socda loo yaabaa magaalooyinka ay ka midka yihiin Beledweyne, Jowhar iyo dhamaan inta uu wabiga maro” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenku.

Ugu dambeyn wuxuu mar kale ku baaqay in qof walba oo Soomaaliyeed uu doorkiisa ka qaato u gurmadka bulshada wax ku noqday roobabka iyo daadadka El-nino, si gaar ahaaneed wuxuu ugu baaqay ganacsatada leh diyaaradaha oo maanta baahi weyn loo qabo doorkooda, maadaama gaadiidka cirka uu yahay sida kaliya ee gurmad lagu gaarsiin karo dadka tabaaleysan.

“Ka hortegga musiibadaan iyo gurmadka dadka loo fidinayo waxaa waajib nagu ah inaan si wadajir ah uga wada shaqeyno arrintaa” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

The post Daawo: DF oo digniin kasoo saartay halis ku wajahan Jowhar iyo Beledweyne appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this