Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Senator Fartaag oo war culus ka soo saaray xaaladda Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   
Fartaag.jpeg?fit=1080%2C720&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo shir jaraa,id qabtay ayaa warbixin ka soo saaray xaaladda uu dalka ka geystay roobka deyrta ee da’aya.

Senatorka ayaa si gaar ah uga warbixiyey xaaladda ka taagan deegaanada uu metelo ee Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo oo khasaare lixaad leh uu sanadkaan roobku ka geystay.

Wuxuu sheegay in xaaladda Elnino oo horay looga digay ay ku dhufatay dadkiisa reer Gedo, wuxuuna farriin u diray dowladda federaalka, Jubbaland iyo deeq bixiyaasha caalamka.

Wabiyada Jubba iyo Daawo, ayuu sheegay inay fatahaad aan horay loo arag ka geysteen degmooyinka ay maraan ee gobolka Gedo.

“Waxaa ugu daran xaaladda heysata dadka ku nool degmada Doolow oo labada webi ay maraan kuna fataheen, guud ahaan Doolow waxaa qaaday biyaha daadka ah oo magaaladu waa buuxsantay, dadkii ku noolaana waa ku ceytoobeen, galigood ayey biyaha dhex taagtaagan yihiin,” ayuu yiri Senator Fartaag.

Sidoo kale Fartaag wuxuu mid mid u dul istaagay xaaladda ka taagan degmooyinka kale ee gobolkaas iyo khasaaraha uu roobku ka geystay, sida Luuq, Baardheere iyo Buurdhuubo oo wabiga Jubba uu wada maro.

Sidoo kale Senator Fartaag ayaa ka hadlay xaaladda adag ee ka taagan magaalooyin ay ugu waaweyn Jilib iyo Bu’aale oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe,  halkaas oo aysan jirin cid gargaar gaarsii karta, maadaama ay maamusho Khawaarijta Al-Shabaab.

Deegaanka Goobweyn ee gobolka Jubbada Hoose oo wabiga Jubba uu ku dhamaado ayuu Senator Fartaag sheegay in fatahaad lixaad leh oo sanadkaan wabigu ka geystay, sidoo kale deegaano kale oo ka tirsan gobolkaas ayey daadadku ku rogmadeen oo dadkii deganaa ay ka barakaceen.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Senator Fartaag oo war culus ka soo saaray xaaladda Jubbaland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this