Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Jayte oo hal arrin kala hadlay madaxweyne Qoor Qoor + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
400441206_300275009546504_90961826738889

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo ay Dhuusamareeb ku yeesheen madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Cali Jayte Cismaan oo dhawaan uun loo magacaabay u qaybsanaha madaxweynaha dowlada Soomaaliya ee ciidanka macawiisleyda Soomaaliya.

Kulankan ayaa yimid kadib markii safar dhinaca dhulka ah uu Dhuusamareeb ku gaaray hoggaamiye Cali Jayte oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay kulamo ka waday halkaasi.

Qoor Qoor ayaa ninkan ku qaabilay qasriga madaxtooyada maamul goboleedkaGalmudug, waxayna ka wad-hadleen hal arrin oo ah la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay hoggaamiyahan doorkiisa ku aadan dagaalka kooxda Al-Al-Shababa, gaar ahaan sidii uu kooxda uga saaray bariga gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxa ay labada mas’uul isla soo qaadeen arrimo ku aadan sidii loo xoreyn lahaa deegaanada haatan ka maqan gacanta dowladda ee ku yaalla Galgaduud iyo Mudug.

Dhankiisa, Cali Jayte Cismaan oo madasha ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna sheegay inuu ka qayb-qaadan doono dagaalka Galmudug.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa haatan ka soconaya howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogg dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, kauwas oo ay guullo waa weyn kasoo hoyeen ciidanka huwanta ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Halkan hoose ka daawo Sawirro:-

400441206_300275009546504_90961826738889 400537204_300274986213173_32361025335124

The post Cali Jayte oo hal arrin kala hadlay madaxweyne Qoor Qoor + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this