Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha IRAN oo booqasho taariikhi ah ku tagaya Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan booqasho taariikhi ah ku tago dalka Sacuudiga.

Raisi ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirweyne Axadda soo socota ka dhacaya Sacuudiga oo lagaga hadlayo xaalada Gaza.

Wuxuu noqonayaa safarkii ugu horeeyey oo hogaamiyaha Iran ku tago Sacuudiga tan iyo markii labada dal xidhiidhkooda dib usoo noqday.

Bishii march, ayey dalalka Iran iyo Sacuudiga heshiis gaadheen kadib dhex dhexaadin ay u sameysay dowlada Shiinaha.

Shirweynaha Gaza lagaga hadlayo ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo fadhigiisa yahay magaalada Jeddah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this