Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda oo wada qorshihii Al-Shabaab loogu furi lahaa furrin cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-iyo-Xamza-1.jpeg?fit=2048%2C1365&s

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii labaad sannad gudihiis culimada Soomaaliyeed shir u qabatay.

Culimada ayaa shirkii dhacay bishii Janaayo waxay ku taageereen howl-gallada militari ee dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna cambaareeyeen afkaarta ururukaas.

Dowladda federaalka ayaa dadaal badan ku bixineysa sidii ay culimada Soomaaliyeed ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan dhanka caqiidada iyo fikirka, taasi oo ah furin kale oo muhiim ah.

Ra’iisul Wasaaraha Sooomaaliya Xamza Cabdi Barre oo dhawaan khudbad ka jeediyay shir ka dhacay Muqdisho oo culimada qaarkood kasoo qeyb-galeen ayaa waxa uu ka sheegay in loo baahan yahay in culimadu kaalintooda ka qaatan dagaalka Al-Shabaab, oo si dhameystiran usoo galaan dagaalka.

Mudane Xamza ayaa sheegay in aan la joogin xilligii laga cabsan lahaa Al-Shabaab, ayna tahay in culimadu xaga afkaarta ka hogaamiyaan dagaalka dowladda iyo shacabka kula jiraan kooxda.

“Ma ila haboona mana ila qurux badna in masaajid ay ku soo tukanayaan dhowr boqol qof inaan Khadiib ka noqoto adoo sheekh ah oo aan waxba ka sheegin Al-Shabaab,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Aniga waxay ila tahay in aysan haboonayn, cabsi ha u gayso ama dareen la’aan ha u gaysee arintaas muraajico ayey u baahan tahay.”

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay haddii ay jiraan culimadu qaar ka cabsanayaa in ay qaataan doorkaas, oo masaajidada kala hadlaan shacabka ay ku wareejiyaan kuwa dhiiran ee dagaalka Al-Shabaab si furan ugula jira ee furimahana taagan.

Si kastaba, Culimada Soomaaliyeed oo kal hore dowladda u qabatay shirweyne ayaa waxay kooxda Al-Shabaab ku sifeeyeen inay yihiin Khawaarij, ayaga oo sheegay inay tahay xaaraan in xoog, cod iyo dhaqaaleba lagu taageero kooxda.

The post Dowladda oo wada qorshihii Al-Shabaab loogu furi lahaa furrin cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this