Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka oo la horgeeyay mas’uuliyiin loo haysto musuq

Recommended Posts

Deeq A.   
2563.png?fit=1378%2C801&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta la horgeeyay mas’uuliyiin loo haysto musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne, kuwaas oo ay horay usoo xukuntay maxkamadda gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiinta ay bilaabatay dhageysiga dacwaddooda ayaa ka kala tirsan wasaaradda shaqaada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya, Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga dhexe iyo hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhammaan eedeysanayaasha la horgeeyay Maxkamadda Racfaanka Gobolka ayaa waxaa weli ku dhagan xeer ilaalinta qaranka oo kusoo oogtay xatooyo xoolo dadweyne.

Qaarkood eedeysanayaashan ayay sii deysay maxkamadda gobolka Banaadir, laakiin waxaa ka horyimid xukunkaas xeer ilaalinta, ayadoo mar kale isla kiiskan maanta laga furay maxkamadda Racfaanka, si ugu dambeyn looga saaro go’aan rasmi ah.

Mas’uuliyiinta la amray in lasii daayay waxaa kamid ah Cabdullaahi Suldaan iyo Maxamed Caddde Mukhtaar oo labaduba ah agaasimeyaashii hore ee wasaarada shaqada, waxayna hadda mar kale wajahayaan eed ay garwadeen ka tahay xeer ilaalinta guud ee qaranka.

Qareenada difaacayay eedeysanayaasha ayaa sidoo kale fadhiga maxkamadda kusoo bandhigay difaacooda, iyaga oo ka horyimid qaabka ay wax u waddo xeer ilaalintu.

“Shaki qof laguma xukumo xeerkaa qabo” ayuu ku dooday abuukaate Cabdullaahi Dudaaye oo u doodaya eedeysanayaasha la horgeeyay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir.

Si kastaba, maxkamadeynta saraakiishaan ayaa qaadatay muddo dheer, waxaana doodeeda ay dadweynaha Soomaaliyeed kala socdeen warbaahinta, balse waxaa haatan go’aanka u dambeeya laga war sugayaa Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir.

The post Maxkamadda Rafcaanka Gobolka oo la horgeeyay mas’uuliyiin loo haysto musuq appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this